Xeerarka Dabeecadda Aadanaha (The Laws of Human Nature) Waa buug cilmi-nafsi iyo falsafad isugu jira oo si qoto dheer u baadhaya dabeecadda aadanaha, si qofku u fahmo waxa dadka ku riixa inay u dhaqmaan sida ay u dhaqmaan, ha noqoto: Jacayl, Nacayb, Kalsooni, Naxariis, Rabitaan, Cabsi, Hoggaan iyo Raacid. Wuxuu ku barayaa: Sida loo akhriyo dadka, wejiga dadka waxa ay qarinayaan iyo rabitaankooda dhabta ah. Sida loo xakameeyo naftaada iyo dareenkaaga, si aadan u noqon qof si sahlan loo hago. Sida aad xoog iyo saameyn uga dhaxli karto fahamka dadka. Haddii aadan fahmin dabeecadda aadanaha adiga iyo dadka kaleba, waxaad noqon doontaa qof la maamulo, la khiyaaneeyo oo aan si buuxda u gaari karin awoodda iyo xorriyadda maskaxeed ee aad mudan tahay. Buuggan wuxuu ka kooban yahay 18 cutub, mid walbana wuxuu xambaarsan yahay Xeer (Law) oo sal u ah dabeecad gaar ah oo aadanuhu leeyahay.