Waxaan u mahad naqayaa ilaahay oo ii fududeeyey inaan qoro buugan mahad aan la
soo koobi karin. Waxaan buugan u qorey si ay uga faa’ideystaan dhalinyarada
soomaaliyeed iyo weliba dadka waaweyn, sidoo kale waxaan u qorey buugan ku
dhiirigelin aan ku dhiirigelinayo ardeyda, macalimiinta, jaamacadaha, college-yada,
dhakhaatiirta iney sameeyaan daraasado bulshada waxtaraya maadaama daraasadaha
aan buugan ku soo ururiyey ay sameeyey dad la mida oo dhiiggooda ah.
Daraasadaha
aan halkan ku soo ururiyey waxay ka mid yihiin daraasado laga sameeyey caalamka,
mana aha intan oo keliya, balse waa intii aan kasoo xushey maadaama ay aad u fara badan yihiin.
Daraasad 1
Saameynta ay ardeyga ku leedahay in waqtiga casharka la sharaxayo uu ku
mashquulo mobile-ka
Daraasad ay sameysay jaamacada Rutgers oo ay ku ogaaneyso saameynta uu ardeygu
ku leeyahay in waqtiga casharada ee fasalka dhexdiisa uu ku mashquulo mobilelkiisa. Hadaba ardeyda ayaa loo qaybiyey laba qaybood : qayb waqtigii casharka ku
mashquuley mobile-kooda iyo qayb casharka iyo sharaxiisa awooda saarey. Daraasadan
ayaa lagu ogaadey in qolada mobile-kooda ku mashquuley kala badh ay hoos u dhaceen
dhibcaha ay keeneen imtixaanka. Daraasadu waxa kale oo ay daaha ka feydey in
ardeyda waqtiga casharka iyo sharixiisu socdo ku mashquula mobile-kooda uu aad
hoos ugu dhaco xifdigooda. Rugters ayaa daraasadan ku sameysay 118 ardey oo dhigta
cilmu nafsiga.
kala badh ardeyda ayaa loo qaybiyey mobilo iyo laabtoobyo halka kala
badhna aan waxba lasiin. Ardeydii ayaa lasiiyey cashar isku mid ah macalin isku mida
iyo waqti isleeg. Waxa cilmibaadhistani daaha ka feydey in ardeydii isticmaalayey
qalabka electroniga ah ay dhibcahoodu aad u hooseeyeen islamarkaana fahankooda iyo
xifdigooda mustaqbalka fog uu noqdey mid taban . Ardeyga ayaa dareenkiisa oo dhan ku
jeedinaya isticmaalka iyo wadwadka mobile-kiisa halka uu diirada saari lahaa fahanka
casharka iyo sharixiisa taas oo aad hoos ugu dhigeysa fahanka iyo xifdiga mustaqbalka
fog, arrinkan ayaa sidoo kale kala badh hoos u dhigaya dhibcaha uu ardeygu keenayo
marka ay gaadho waqtiga imtixaanka.
Daraasad 2
Muhiimada ay leedahay inaad yeelato ujeedooyin iyo hadafyo cad cad
Daraasad ay sameeyeen baadhayaal ka tirsan jaamacada Harvard ayaa ay qaar kamida
ardeyda jaamacada weydiiyeen iney leeyihiin ujeedooyin cad cad oo ay doonayaan iney
xaqiijiyaan. 84% boqolkiiba waxay sheegeen iney laheyn ujeedooyin cad cad, 13%
waxay sheegeen iney leeyihiin ujeedooyin balse aaney uqorneyn. Halka 3% ay sheegeen iney leeyihiin ujeedooyin cad cad uguna qoran tahay meel. Toban
sano kadib baadhayaashu waxay heleen in noloshoodu ka horumarsaneyd kuwa
ujeedadoodu qorneyd marka loo eego kuwa aaney ujeedadoodu qorneyn, halka kuwii
aan laheyn wax ujeedooyin aaney waxba u qabsoomin.
Maansha Allah Aad baad ugu mada santihiin shaqada Aad bulshada jecel Akhrinta Aad usameeysaan Akharisyo fudud thanks Alot of