999 XIKMADOOD PDF

20 Xikmadood oo aan idin Soo xulay.

1. Naftaadu waa markabkaaga, oo hadii aad adigu fuushana waad badbaadaysaa, Laakiin hadii ay iyadu ku fuushane waad halaagsameysaa.
2. Dadku waa ay isbedel badan yihiin ee qiimahaaga haka dhex raadin wejiyada dadka.
3. Waxaan soo guuldareystay marar badan taasina waa sawabta aan u guuleystay.
4. Hadii aanad qorsheysan nolosha adiga kuu gaarka ah, waxaa jiri doona fursad ah in qof kale qorshihiisa aad ku dhacdo. Bal qiyaas waxa ay kuu qorsheeyeen? Ma badna.
5. Isu diyaarinta ugu wanaagsan ee bari waa u sameynta maanta sida ugu fiican.

6. Shalay waa ay tagtay. Berri weli lama gaadhin. Maanta oo kaliya ayaa gacanta inoogu jirta. Ina keen aynu bilaabnee.
7. Haddii aanad diyaar u aheyn inaad halis u gasho wax aan caadi aheyn, waxa aad joogi doontaa halkii iska caadiga aheyd.
8. Haddii aad sameysid wixi aad weligaaba sameyn jirtay, waxa aad heli doontaa wixii aad weligaaba heli jirtay.
9. Haddii aanad dhibaatooyinkaaga ku soo xallin tagtadaada, ilaa timaadadaada ayey ku daba socon!.
10. Mustaqbalkaaga wuxuu ku xiran yahay waxa aad maanta sameyso.

11. Go'aanso waxa aad rabto, go'aanso waxa aad diyaarka u tahay inaad ku beddelato si aad u hesho. Aasaas waxyaabaha aad mudnaanta siineyso ka dibna u dhaqaaq sidii aad ugu shaqeyn laheyd.
12. Haddii aadan dooneyn inaad wax sameyso, cudurdaar kasta wuu ka sii wanaagsan yahay kan kale.
13. waxbarashadu ma aha barashada xaqiiqooyinka , balse waa u tabobaridda maskaxda in ay fekerto.
14. Kuma filna in la heysto maskax wanaagsan, waxa ugu weyn waa in iyada si fiican loo isticmaalo.
15. Ma jiro wax aanad noqon karin, ama aanad sameyn karin , ama aanad heli karin. Waxa aad tahay Abuure heer sare ah.

16. Ha rajo dhigin marka qoraxdu dhacdo dayaxa ayaa soo baxa.
17. In la igu naco waxa aan ahay ayaan ka doorbidayaa in laygu jeclaado wax aanan aheyn.
18. Guushu waxa ay ku xidhan tahay is diyaarin hore, is diyaarin la'aan waa la hubaa inaad guul dareysan doonto.
19. Howlaha la qabto waxa ugu roon fulinta waxa uu Ilaahey (S.W) ku faray, ka dheeraanshiyaha waxa uu Ilaahey kaa reebay iyo ku kalsoonaanta waxa Ilaahey agtiisa ahaaday.
20. Ma jiro wax la yiraahdo gefaf ama guul darooyin, keliya waa casharo wax laga barto.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 120 Page

8 thoughts on “999 XIKMADOOD PDF”

  1. 𝕞𝕒𝕒𝕤𝕙 𝕒𝕝𝕝𝕒𝕙 𝕒𝕝𝕝𝕒𝕙𝕒 𝕙𝕒 𝕙𝕠𝕣𝕞𝕒𝕣𝕚𝕪𝕠

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *