50 XADIIS PDF (FREE)

50 XADIIS AF-SOOMAALI

Waxaynu ogsoon nahay in labada asal ee loo noqdo si loo fahmo diinta Islaamka, saldhiggana u ah nolosha qofka muslimka ahi inay yihiin Qur’aanka kariimka iyo sunnada dahiran ee nebiga (scw). Midka hore ee ah (Qur’aanka) waa hadalkii Allah (swt); midka labaadna oo ah sunnada ama xadiiska nebiga hadba kan loo yaqaan wa tusaalooyinkii nebiga (scw) ee waajibka ah in la raaco, siduu Allahii casiiska ahaa yiri: “Wixii uu Rasuulku idin siiyana ee amar ah qaata wixii uu idinka reebayna ka hara.”

Sunnaduna waa tan bayaanisa Qur’aanka, dhammeystirkana u ah hanuunka iyo kheyrka xagga Rabbigeen inoo laga soo dejiyey. Qofkuna hadduusan darsin Sunnada kama qaadan karo suurad dhan ee sax ah axkaamta diinta, mana fahmi karo xaqiiqda lslaamka iyo kheyrka ku laran. Sidaa awgeed ayaa waxaa ii muuqatay inaan walaalaheen Soomaaliyeed u soo gudbinnaa qaybo ka mid ah axaadiistii nabigeennii suubbanaa (scw) oo afkooda hooyo ugu tarjuman, si looga haqab tiro baahida ka haysata xaggaa axaadiista Rasuulka (scw).

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 27 Page
Size: 500 KB

1 thought on “50 XADIIS PDF (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *