30 DHACDO IYO SADDEX CASHAR PDF

HORDHACA BUUGGA

Dhiganahan aan ugu magac daray (30 DHACDO IYO 3 CASHAR), waa dhigane sida korkiisa ku qoran ka hadlaya 30 dhacdo, oo ka mid ah qisooyinka noloshii Rasuulka iyo saxaabadiisi qaar ka mid ah, laga soo bilaabo dhalashadiisi, heer laga gaadhayo dhimashadiisi, innaga oo u qornay hab isku xig-xiga, oo aan ka boodin heer ka mid ah heerarki uu Nebigu maray, ha noqoto heer nololeed, ama heer baaqitaan iyo dacwadeede. Sababta aan innoogu dooray dhacdooyinkaasi waxa weeye:

1. In qof kasta oo ifkan ku nooli uu u baahanyahay nafsaddiisana ay ku abuurantahay in uu helo cid uu ku daydo (Role Model), ciddaas oo uu aaminsanyahay in ay ku dhaanto waxa uu kaga dayanayo. Qofka Muslimka ahina cidda ay tahay in uu ku daydo, oo uu cagta cagta u saaraa waa Nebigeenni sharafta badnaa ee Muxammad (SCW), iyo saxaabadiisi nasiibka u helay in ay ardayda u noqdaan macallinkii ugu fiicnaa, ee ifka soo maray. Noloshu maadaama ay dhinacyo badantahay, oo ay leedahay dhinac diineed, dhaqaaleed, siyaasadeed, caafimaad, bulsheed, wax-soosaar, hal allaale halki uu qofku u dhaqaaqo ma soo helayo qof uu kaga daydo oo ka fiican Nebi Muxammad (SCW). Marka aynu dhacdada taariikheed sheegno, waxa aynu ku xigsiinaynaa saddex qodab, oo dhacdadaas lagala soo baxayo marka la dhuuxo; si aynu u fudaydinno faafitaanka farriinta ay dhacdadu gudbinayso.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 74 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *