200 CILMI BAADHIS PDF

HORDHACA BUUGA

Waxaan u mahad naqayaa ilaahay oo ii fududeeyey inaan qoro buugan mahad aan la soo koobi karin. Waxaan buugan u qorey si ay uga faa’ideystaan dhalinyarada soomaaliyeed iyo weliba dadka waaweyn, sidoo kale waxaan u qorey buugan ku dhiirigelin aan ku dhiirigelinayo ardeyda, macalimiinta, jaamacadaha, college-yada, dhakhaatiirta iney sameeyaan daraasado bulshada waxtaraya maadaama daraasadaha aan buugan ku soo ururiyey ay sameeyey dad la mida oo dhiiggooda ah.

Daraasadaha aan halkan ku soo ururiyey waxay ka mid yihiin daraasado laga sameeyey caalamka, mana aha intan oo keliya, balse waa intii aan kasoo xushey maadaama ay aad u fara badan yihiin.

Daraasad 1

Saameynta ay ardeyga ku leedahay in waqtiga casharka la sharaxayo uu ku mashquulo mobile-ka

Daraasad ay sameysay jaamacada Rutgers oo ay ku ogaaneyso saameynta uu ardeygu ku leeyahay in waqtiga casharada ee fasalka dhexdiisa uu ku mashquulo mobilelkiisa. Hadaba ardeyda ayaa loo qaybiyey laba qaybood :
qayb waqtigii casharka ku mashquuley mobile-kooda iyo qayb casharka iyo sharaxiisa awooda saarey. Daraasadan ayaa lagu ogaadey in qolada mobile-kooda ku mashquuley kala badh ay hoos u dhaceen dhibcaha ay keeneen imtixaanka. Daraasadu waxa kale oo ay daaha ka feydey in ardeyda waqtiga casharka iyo sharixiisu socdo ku mashquula mobile-kooda uu aad hoos ugu dhaco xifdigooda. Rugters ayaa daraasadan ku sameysay 118 ardey oo dhigta cilmu nafsiga.

kala badh ardeyda ayaa loo qaybiyey mobilo iyo laabtoobyo halka kala badhna aan waxba lasiin. Ardeydii ayaa lasiiyey cashar isku mid ah macalin isku mida iyo waqti isleeg. Waxa cilmibaadhistani daaha ka feydey in ardeydii isticmaalayey qalabka electroniga ah ay dhibcahoodu aad u hooseeyeen islamarkaana fahankooda iyo xifdigooda mustaqbalka fog uu noqdey mid taban . Ardeyga ayaa dareenkiisa oo dhan ku jeedinaya isticmaalka iyo wadwadka mobile-kiisa halka uu diirada saari lahaa fahanka casharka iyo sharixiisa taas oo aad hoos ugu dhigeysa fahanka iyo xifdiga mustaqbalka fog, arrinkan ayaa sidoo kale kala badh hoos u dhigaya dhibcaha uu ardeygu keenayo marka ay gaadho waqtiga imtixaanka.

Daraasad 2

Muhiimada ay leedahay inaad yeelato ujeedooyin iyo hadafyo cad cad

Daraasad ay sameeyeen baadhayaal ka tirsan jaamacada Harvard ayaa ay qaar kamida ardeyda jaamacada weydiiyeen iney leeyihiin ujeedooyin cad cad oo ay doonayaan iney xaqiijiyaan. 84% boqolkiiba waxay sheegeen iney laheyn ujeedooyin cad cad, 13% waxay sheegeen iney leeyihiin ujeedooyin balse aaney uqorneyn. Halka 3% ay sheegeen iney leeyihiin ujeedooyin cad cad uguna qoran tahay meel. Toban sano kadib baadhayaashu waxay heleen in noloshoodu ka horumarsaneyd kuwa ujeedadoodu qorneyd marka loo eego kuwa aaney ujeedadoodu qorneyn, halka kuwii aan laheyn wax ujeedooyin aaney waxba u qabsoomin.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 124 Page

1 thought on “200 CILMI BAADHIS PDF”

  1. Ahmed Abdirahmaan mohmed

    Maansha Allah Aad baad ugu mada santihiin shaqada Aad bulshada jecel Akhrinta Aad usameeysaan Akharisyo fudud thanks Alot of

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *